Dagaal u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay illaa saaka ka socday xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkaanley ee magaalada Muqdisho, kaasi oo si gaar ah u dhexmaray ciidanka Boolis Milataaro iyo ciidamo ka amar qaata sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo lagu magacaabo Jeneraal Sheegow.
Dagaalkan ayaa markii hore ka bilowday, kadib markii ciidamada Boolis Milataaro ay ku baxeen dhibaato la sheegay in ciidamada uu wato Jeneraal Sheegow ay ku hayeen dadka deegaanka, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka oo saacado badan socday.
Ciidanka Boolis Milataaro ayaa la tilmaamay inay gacanta ku dhigeen oo ay xireen laba kamid ah ciidanka Jeneraalka, kuwaasi oo la xusay inay dhac u geysteen dad shacab ah, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo dhinacyada kala gaaray iyo dad shacab ah.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada xasillinta caasimadda ay isku gadaameen guriga uu degan yahay Sheegow, isla markaana inta uu dagaalka socday ay hub culus isku adeegsanayeen ciidanka taabacsan sarkaalka iyo ciidanka kale.
Xaadda ayaa weli cakiran, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadab dagaalkaasi ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dhrakeenley, Howlgal la doonayo in lagu soo qabto sarkaalka ayaa lasoo weriyey inuu socdo.