Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Hirshabeelle iyo kuwa kale oo taabacsan maamulka la magac baxay Hiiraan State ee ku sugan gudaha magaaladaasi.
Dad ku sugan Baladweyne ayaa kusoo warramay in dagaalkan uu bilowday xilligii suxuurta, laguna dhawaa waqtiga salaada subax, dagaalka ayaa inta uu socday la isku adeegsaday hubka cul culus, iyadoona la maqlayay hugunka rasaasta dhinacyada.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in ugu yaraan laba qof ay ku dhinteen dagaalkii ka dhacay xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne, halka qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo xarumo caafimaad oo ku yaalla halkaa.
Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa in ciidamada Maamulka Hirshabeelle laΓ’β¬β’isugu geeyay aagga saldhigga Booliska ee magaaladaas, halka kuwa kalena ay joogaan qaybo kamid ah Baladweyne, sida ay dadka soo werinayaan.
Dagaalkan ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay goobaha Ganacsiga magaalada iyo isku socodka gaadiidka dadka, illaa iyo hada ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Hirshabeelle oo ay uga hadlayaan dagaalka khasaaraha dhaliyay ee dhacay.