Wararka ka imaanaya degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya, in dad gaaraya sideed iyo toban qof ay ku dhinteen dagaal laba beelood ku dhex maray halkaas, halka sodon qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.
Wefdi isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland oo tagay degmadaas, iyo waxgaradka deegaankaas iyo mas’uuliyiin kale, ayaa xabad joojin ugu baaqay labadaas beelood oo dagaalamayay todobadii maalmood ee la soo dhaafay.
Guddoomiye xigeenka golaha wakiilada Somaliland, Siciid Mire Faarax (Giirre) oo hoggaaminaya ergada halkaas xabad-joojinta kaga dhawaaqday ayaan ka wareysannay.
Wuxuu sheegay Guddoomiyaha in loo baahan yahay in maleeshiyaadka dagaalamaya inay joojiyaan Colaada, isla markaana wax kasta oo dhinacyada isku hayaan lagu dhameeyo wada-hadal iyo nabad, si uusan u daadan dhiig kale.
Si kastaba marar badan ayaa waxaa sidaan oo kale deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag uga dhacay dagaal culus oo dhexmaray maleeshiyo beeleed halkaasi wada daga, iyagoona iska dilay dad farabadan, kuwo kalena iska dhaawacay.