Labo Dabley oo ka tirsan Jabhadda FANO iyo qof Rayid ah ayaa lagu dilay Iska horimaad shalay ka dhacay Xaafada Bole Kifle Ketema, Woreda 3 oo u dhow Dhismaha Hoolka lagu magacaabo The Millennium Hall ee ku yaalla Caasimada dalka Ethiopia ee Addis Abeba.
Dablayda ka tirsan Jabhada FANO ee lagu dilay Iska-horimaadkaasi waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Nahusenai Andarge Tarekun, Habtamu Andarge Tesema, halka Abenezer Gashaw la qabtay isagoo dhaawacmin, loona gudbiyey Xabsiga Dhexe ee Addis Abeba.
Boliska Addis ayaa waxay kaloo sheegeen inay dableyda FANO dileen qof Rayid ah oo lagu magacaabi jirey Endeshaw Getnet, kaasi oo Dableyda ka diiday inay gaarigiisa sii raacaan.
Docda kale, Toogashadaasi ayaa waxaa lagu dhaawacay 2 Askari oo lagu kala magacaabo Saddex Alifle Arrarsa Teshome iyo Dable Matias Petros.
Iska horimaadka hubaysan ee ka dhacay gudaha Caasimada dalka Ethiopia waxa uu yimid hal sano kadib, markii uu Gulufka Colaadeed ee u dhexeeya Ciiddanka Dowladda iyo Maleeshiyada Jabhadda FANO bilowday bishii August ee sanadkii hore ee 2023-kii.