Qaraxa ayaa waxa uu ka dhacay gudaha Masjid ku yaalla magaalladda Faizabad ee Gobalka Badakhshan ee dalkaasi Afgaanistaan
16 qof ayaa ku geeriyootay, halka ugu yaraan 60 qof ku dhaawacmeen, wuxuuna Qaraxu dhacay, xilli Salaatul Janaasah lagu tukanayey meydka ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobalka Badakhshan, oo lagu magacaabi jirey Mawlavi Nisar Ahmed Ahmedi.
Ilaa hadda, ma jirto koox sheegatay mas’uuliyada Qaraxa ka dhacay gudaha Masjidka ku yaalla magaalladda Faizabad. Talaadadii la soo dhaafay ayaa Mawlavi Nisar Ahmed Ahmedi waxaa lagu dilay qarax Gaari miinaysan oo lala beegsaday Gaarigii uu la socday.
Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi ee lagu dilay Mawlavi Nisar Ahmed Ahmedi iyo Dareewalkiisa, halka 6 kalena ku dhaawacmeen.
Tan iyo markii ay Ururka Daalibaan la wareegeen Talada dalka Afgaanistaan bishii August ee sanadkii 2021-kii, waxay Kooxda Daacish khatar dhanka Amniga ku noqotay Deganaanshaha dalka Afgaanistaan.