Militariga Gabon, ayaa afgambi kula wareegay xukunkii dalka ku yaalla xeebta galbeed Afrika , waqti yar kaddib markii guddiga doorashada ee dalkaas uu ku dhawaaqay in madaxweyne Cali Bongo uu ku guuleystay markii saddexaad.
Go’aankan ay kaga dhawaaqeen galinkii hore ee maanta telefishinka Dawladda, waxay sheegeen in la laalay natiijada doorashada, dhammaan xuduudahana la xiray illaa amar dambe, isla markaana la kala diray hay’adaha Dawladda ee kala ah Xukuumadda, Guurtida, Golayaasha Qaranka, Maxkamadda Dastuuriga ah iyo guddiga Doorashooyinka.
Dalka Gabon, oo ay caasimadiisu tahay magaalada Libreville , ayaa waxaa soo maray saddex madaxweyne oo keliya tan iyo markii ay xorriyadda ka qaateen Faransiiska sannadkii 1960-kii, iyadoo Cumar Bongo uu madaxweyne ahaa in ka badan 40-sano illaa uu geeriyooday sannadkii 2009-kii, waxaa beddelay wiilkiisa Cali Bongo oo xukunka hayay tan iyo maanta.
Gabon ayaa ah dalka ugu badan ee soo saara saliida balse saddex meelood meel dadkeeda ayaa ku nool faqri, sida uu sheegay Bangiga Adduunka.
Tirada dadka dalkaasina waxaa lagu sheegaa 2.3 milyan oo qof, iyadoo luuqadda looga hadlana ay tahay Faransiis.