Qarax xooggan ayaa goordhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar Degmada Xamarjajab ee Gobolkani Banaadir, waxaana jira warar kala duwan oo kasoo baxaya qaraxa.
Qaraxa ayaa si gaar ah waxaa uu kaga dhacay Maqaayadda Luul Yamani, oo ku taalla Degmada Xamarjajab, waxaana uu sababay khasaare soo gaaray dadkii ka ag dhawaa halka qaraxu ka dhacay, Ciidamada Booliska oo goobta gaaray ayaa xiray isku socodka guud ee aagga ay wax ka dhaceen.
Qaraxa ayaa la sheegay in loo addegsaday Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana jira guryo ka agdhawaa Maqaayadda oo dumay kadib saameyn xooggan oo uu ku yeeshay qaraxu, iyadoo la sheegayo khasaaro soo gaaray dadkii ku noolaa xaafadahaasi.
Sidoo kale Gaadiidka gurmadka ayaa garay Maqaayadda qaraxu ka dhacay, waxaana la arkayay gaadiidka gurmadka deg degga ah oo goobat ka qaadaya dhaawacyo, kuwaasi oo la gaarsiiyay Isbitaalada Muqdisho.
Wali lama xaqiijin khasaraha ka dhashay qaraxa caawa ka dhacay Maqaayadda Luul yamani, waxaana wali socda gurmad iyo howlgallo socda, iyadoo Ciidanka ammaanka ay xireen dhammaan waddooyinka ka agdhow Maqaayadda oo u dhaw xabsiga dhexe ee Muqdisho.