Magaalada Dhuusa-mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug waxa xalay ka dhacay kulamo Siyaasadeed oo aan look ala kicin kuwaas oo ay lahaayeen Musharaxiinta guddoonka baarlamaanka Galmudug iyo Xildhibaanada cusub ee mamaulkaas.
Kulamada ayaa intooda badan Musharaxiinta guddoonka baarlamaanka Galmudug waxa ay la qadanayeen Xildhibaanada iyaga oo ka dalbanayay in ay cokooda siiyaan maadaama ay u tartamayaan kursi muhiim,iayada oo kulamada dhacayna ay ahaayeen kuwii ugu cuslaa ee dhinaca xodxodashada Xildhibanada.
Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa shalay dhageystay khudbadaha musharaxiinta u taagan qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug iyo kuxigeennadiisa,iyada oo lagu wado in ay maanta dhacdo doorashada gudoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa 1-aad iyo 2-aad