Ciidanka Dowladda Fedraalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB iyo ciidanka  Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa howlgallo qorsheysn ay ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Jubbada hoose kuwaas oo ay mamaulayeen Alshabaab.
Howlgalka oo dhacay deegaano hoostaga degmada Jamame ayay Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka waxaa ay sheeeen inay ka gudbeen Ciidamada Webiga Jubba,iyaga oo  gaaray deegaano dhowr ah,qorshahaan ayay tilmaameen saraakiishu in loga dan leeyahay sidii Alshabaab looga saari lahaa deegaanada ay ka maamulkaa gobolka Jubbada hoose.
Dhinaca kalana  Saraakiisha Ciidanka Dowladda ayaa sheegay in Ciidamada deegaanno katirsan degmada Jamaamme gaar ahaan dhinaca wadada laamiga dheer ay ciidanka hawlgalada ka sameeyeen deegaannada Koban, Maanamoofa iyo dhulka ballaaran ee Jiinka Webiga dhaca,isla markaana uu sii socon dono howlgalkaan.
Saraakiisha hogaaminaysa ciidamada Danab ayaa sheegay in howlgaladaas ay ku dileen 8 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab,deegaanada ay tageena ay ka saareen Miinooyin ay jidadka geliyeen Alshabaab.