Dagaallo qaraar ayaa weli ka socda aagga Donbas ee bariga Ukraine, sida ay ku warrantay warbaahinta.
Barasaabka gobolka Luhansk, Serhiy Haidai, ayaa sheegay in xaaladdu adag tahay, hase yeeshee la xakamaeeyey, isagoo ka hadlayey dagaalka ka socda dariiqyada magaalada Severodonestsk oo ay ciidamada Ruusku gudaha u galeen iyo sidoo kale weerarro lagu hayo magaalada la olloga ah ee Lysychanks.
Dhanka kale Madaxwaynaha dowladda Ruushka Putin ayaa si kulul uga hadlay cunaqabateynada ay dalkiisa ku soo rogeen dalalka reer Galbeedka.
Ku dhawaad afar bilood ayaa kasoo wareegay markii uu billowday Dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine. Kumannaan qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaalkan, magaalooyin badan ayaana ku burburay halka ay malaayiin barakaceen.