Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Xoogan oo ka socda Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan,kaasi oo u dhexeeysa Ciidanka ka tirsan AMISOM Â gaar ahaan kuwa Jabuuti iyo Ciidanka maamulka Degmdaas.
Dagaalkan ka socda Jalalaqsi ayaa waxaa uu yahay mid rogaal celis ah,kadib markii Ciidanka AMISOM ay la wareegeen Xarunta Maamulka Jalalaqsi iyo Saldhiga Booliska,isla markaana waxaa la saaray Ciidankii dowladda ee ku sugnaa halkaas,waxaana ka saaray Ciidanka AMISOM.
Dadka deegaabka ayaa soo sheegaya in dagaalka la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan uuna jiro Khasaaro ka dhashay oo soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.
Ugu yaraan hal ruux oo shacabka ayaa la xaqiijiyay in dagaalka uu ku geeriyooday,halka uu jiro dhaawac soo gaaray dad kale oo shacab ah,kuwaasi oo la dhigay Isbitaalka Degmada.
Xaalada guud ee Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa kacsan,waxaana laga maqlayaa dhawaqa rasaas Culus oo ay isdhaafsanayaan Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti iyo kuwa maamulka degmdaas.