Waxaa Caawa xaalad deganaansho ah laga dareemayaa Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo Galabta uu ka dhacay dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,kadib markii maleeshiyaad ay weerareen saldhiga Magaaladaas.
Dagaalka oo u dhaxeeyey maleeshiyo beeleed hubeysan iyo Ciidamo isugu jira boolis iyo Millateri oo ku sugan Saldhiga Magalada Baladweyne,waxana uu salka ku hayey dil shalay Baladweyne loogu geystay Darawal Mooto Bajaaj.
In kastoo xaaladu Caawa ay tahay mid degan ayaa hadana waxaa jirta cabsi ay dareemayaan maadaama ay weli ishor-fadhiyaan maleeshiyaadkii iyo Ciidamadii wada dagaalamay.
Dagaalkii ka dhacay Magalada Baladweyne ayaa waxa uu sababay dhimashada Saddex ruux oo Shacab ah iyo dhaawaca laba kale,kuwaas oo la geeyey Isbitaalka Magalada Baladweyne.
Warark aan Caawa heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ay socoto waan waan lagu xalinayo dagaalkii dhacay iyo khilaafka jira,isla markaana askarigii shalay dilka geystay lagu wareejiyey Ciidamada Millateriga ah eek u sugan Baladweyne.
Dad ku sugan Baladweyne ayaa Radio Dalsan waxa ay u sheegeen in weli Goobaha Ganacsiga ay xiran yihiin,sidoo kalena goobihii lagu dagaalamay aan la geli Karin maadaama weli Ciidamadii dagaalamay ay ishor-fadhiyaan.