Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Is-miidaamin ah oo Maanta ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan afaafka hore ee Xerada tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee Janaraal Dhaga-badan ee Nacnaca ee ku taalla degmada Wadajir.
Qaraxa oo uu qof isku xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxaa uu beegsaday oo uu isku dhex qarxiyey dhallinyaro farabadan oo dooneysay inay ku biiraan Ciidanka Xoogga dalka, kuwaasi oo saf ugu jiray diiwaan-gelin la sheegay in loo sameeynayey.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa Is-miidaaminta ahaa, waxaana ku dhintay in ka badan 10 ruux oo u badnaa dhallinyaradii la qorayay, halka 6 qof kalena ay ku dhaawacmeen, dhaaawacyada ayaa la geeyay Isbitaalo ku yaalla Muqdisho.
Laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxii ka dhacay Muqdisho, dhanka kale Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen mas’uuliyada qaraxii ka dhacay Xerada Jeneraal Dhaga-badan.
Al-shabaab ayaa sheegatay inay qaraxa ku dishay 32 kamid ah raggii loo qorayay inay ku biiraan Ciidanka dowladda, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 kale, waa sida ay hadalka u dhigeen Al-shabaab.
Weerarkaan ayaa qayb ka noqonayo weeraro horey uga dhacay Muqdisho, Â wuxuuna dhanka kale kusoo aadayaa, xilli ciidanka dowlada Soomaaliya oo kaashaneynaya Macawiisleyda ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.