DFS oo Shaacisay in la Soo Afjaray Weerarkii Xabsiga Godka Jilicow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in si buuxda loo soo afjaray weerarkii ay maleeshiyaadka Al-Shabaab shalay gelinkii dambe ku qaadeen xabsiga Godka Jilicow ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay maamusho Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA).
Weerarka oo ku bilowday qaraxyo culus ayaa si deg deg ah isu beddelay dagaal toos ah oo u dhexeeyay kooxaha weerarka qaaday iyo ciidamada ammaanka. Dagaalkaasi ayaa socday muddo ku dhow toddobo saacadood.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saartay dowladda ayaa lagu xaqiijiyay in toddobo xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ahaa raggii weerarka fuliyay, lagu dilay gudaha xabsiga. Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen in ay badbaadiyaan dhammaan maxaabiistii ku xirnayd gudaha xarunta.
Qoraalka dowladda ayaa sidoo kale muujiyay in kooxda weerarka fulisay ay si sahlan uga gudbeen baraha kantarool ee magaalada, iyagoo isticmaalayay darees iyo gaadiid u eg kuwa ciidamada dowladda.
Inkasta oo aan weli la helin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha, waxaa la xaqiijiyay in askar iyo dad rayid ah ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen rasaasta iyo qaraxyadii dhacay intii uu socday dagaalka. Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay isbitaallada kala duwan ee magaalada Muqdisho.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka, iyagoo sheegay inay beegsadeen shir ay ku lahaayeen gudaha xabsiga saraakiil ka tirsan hay’adaha ammaanka.
DFS ayaa dhankeeda sheegtay inay baaritaan adag ku sameyn doonto sida uu weerarkan u suurtoobay, gaar ahaan habka ay kooxdani u dhex martay difaacyada magaalada, iyadoo la tixraacayo heerka sare ee amniga ee caasimadda.
Weerarkan ayaa imaanaya xilli dowladda Soomaaliya ay dhawaan ku dhawaaqday dib u furista waddooyin badan oo muddo xirnaa sababo la xiriira arrimaha amniga.