Madaxweyne Xasan Sheekh: “Khilaafka Xoog iyo Xabad laguma xalinayo, Wadahadal ayaan ku dhammeynaynaa”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbadda uu ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee Golaha Shacabka ku adkeystay in dowladda Federaalka aysan khilaafaadka siyaasadeed ku xallin doonin xoog iyo xabad, balse ay doorbideyso wadahadal iyo is afgarad.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah u xusay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, isagoo sheegay in dadaal ballaaran lagu bixinayo sidii xal loogu heli lahaa tabashooyinka jira.
“Waxaan dadaal ugu jirnaa walaalaha ka gows qabsaday Golaha Wadatashiga Qaran (Puntland iyo Jubbaland), sidii aan u raadin laheyn. Maqaamka iyo mas’uuliyadda lagu kabay odaynimo ayaa na faraya inaan qof kasta wax tabanaya aan raadino waana ku sii soconeynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu intaas ku daray in dowladda ay si cad u diidan tahay in lagu xalliyo khilaafaadka hab dagaal ama cabsi gelin ah, isagoo xusay:
“Waxaan dooranay in khilaafka aan ku xalino wadahadal iyo is afgarad.”
Inta kale ee khudbaddiisa, Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimaha amniga iyo miisaaniyadda dowladda. Wuxuu sheegay in miisaaniyadda sanadka intiisa badan lagu bixiyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan howlgallada xoreynta dalka.
“Argagixisada waxay u aheyd caasimadda masrax ay ku ha laan riwaayad diimeed been ah oo ku saleysan qaraxyo iyo dhiig ay waddooyinka ku daadiyaan,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu hoosta ka xarriiqay in xaaladda amniga caasimadda Muqdisho ay si weyn u hagaagtay marka loo eego sanadihii hore, isagoo tilmaamay in hay’adaha amniga ay gaareen guulo la taaban karo.
“Amniga caasimadda ayaa wax weyn iska bedelay, siduu ahaa sanadihii hore. Hey’addaha amniga waxay sugeen amniga, Argagixisadana madaxdooda meelo fog fog ayaa lagu beegsanayaa,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in xoojinta amniga iyo la dagaallanka argagixisada ay weli yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dowladdu ku howlan tahay, iyadoo sidoo kale dadaal loogu jiro dib u heshiisiinta siyaasadeed ee gudaha dalka.