|

Iran oo Dib u Bilaabatay Dhismayaal Cusub Xarumaheeda Nukliyeerka Kadib Weerarro ay Fuliyeen Mareykanka iyo Israel

Wararka Idaacadda · Ilhaan · September 27, 2025
Iran oo Dib u Bilaabatay Dhismayaal Cusub Xarumaheeda Nukliyeerka Kadib Weerarro ay Fuliyeen Mareykanka iyo Israel

Muuqaallo cusub oo ay qabteen dayaxgacmeedyada sare ayaa muujinaya dhaqdhaqaaqyo dhismo oo ka socda laba xarumood oo muhiim ah oo ka tirsan barnaamijka nukliyeerka Iran, saddex bilood kadib weerarro duqeyn ah oo ay fuliyeen Mareykanka iyo Israel.

Sawirrada tayada sare leh ee uu qaaday dayaxgacmeedka shirkadda Maxar 18-kii Sebtembar ayaa muujinaya dhismo cusub oo ka socda xarunta naaxinta ee Natanz, gaar ahaan agagaarka god dhulka hoostiisa ah oo ku yaalla koonfurta xaruntaas. Waxaa sidoo kale la arkayaa tiro badan oo ah gaadiid dhismo iyo howl-qodis si firfircoon uga socota goobta.

Muuqaallada waxay muujinayaan in sidoo kale dhismo ballaadhan uu ka socdo meel u dhow xarunta, taasoo la rumeysan yahay inay qayb ka tahay ballaarinta kaabayaasha teknoolojiyadda nukliyeerka ee Iran.

Natanz waa xarunta ugu weyn ee lagu naaxiyo uranium-ka ee dalka Iran, waxaana ku rakiban boqolaal mashiin oo centrifuges ah, kuwaas oo muhiim u ah horumarinta awoodda nukliyeerka.

Weeraradii Mareykanka iyo Israel ee dhacay 12-kii June, intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay labada dal iyo Iran, ayaa lagu beegsaday dhismooyin dhulka hoostiisa ku yaalla, kuwaas oo qaarkood la burburiyey ama si xun loo dhaawacay.

Dhanka kale, muuqaallo kale oo dayaxgacmeedka Maxar uu qaaday 23-kii Sebtembar ayaa laga helay xarunta Fardow ee ku taal buuro hoostooda. Waxaana muuqata in lix god oo muhiim ahaa, kuwaasoo loo maleeyay in lagu duqeeyay weerarkii Mareykanka, hadda la daboolay ama dib loo xidhay.

Xarunta Fardow ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah xarumaha ugu sirta badan ee Iran u adeegsato barnaamijkeeda nukliyeerka, waxaana si gaar ah loogu bartilmaameedsaday diyaaradaha duqeymaha culus sida B-2.

Madaxa hay’adda tamarta nukliyeerka Iran, Mohammad Eslami, ayaa wareysi uu siiyay Sky News toddobaadkan ku sheegay in dowladda Tehran ay ka go’an tahay dib u dhiska iyo xoojinta xarumaheeda nukliyeerka, isagoo sheegay in “Iran aysan marnaba ka tanaasuli doonin horumarka ay ka sameysay tiknoolojiyadda tamarta nukliyeerka.”

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.