Dowladda Soomaaliya oo cambaareyneysa falal amni-darro oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa falal lagu khalkhal gelinayey amniga caasimadda, kuwaas oo ay ku kacaan xubno siyaasiyiin ah kuwaas oo isku dayay in ay si xoog ah ula wareegaan Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda, magaalada Muqdisho.
Dowladdu waxay si qoto dheer uga xun tahay in siyaasiyiin doonaya in ay xilka dalka qabtaan ay ku kacaan ficillo keeni kara fawdo, dhiig daata, iyo dhaawac loo geysto shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huray difaaca qaranka iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah.
Waxaan si cad u muujinaynaa in mas’uuliyadda wixii maanta ka dhacay Saldhigga Booliska ee Degmada Warta Nabadda ay dusha u saaran tahay cid kasta oo si bareer ah ugu xadgudubtay jiritaanka dowladnimada, kala dambeynta, iyo shuruucda dalka u degsan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa dhammaan siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka kale ee ku hawlan falalka amni-darrada ah in ay si degdeg ah uga waantoobaan ficilladaasi, una hoggaansamaan sharciga iyo dastuurka dalka.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale caddeyneysaa in ay si buuxda uga go’an tahay:
-
Ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta,
-
Sugidda bedqabka shacabka iyo hantidooda,
-
In lala xisaabtamo cid kasta oo wax u dhimaysa amniga iyo xasilloonida qaranka.