"Garoowe: Aaska Taliyihii Puntland ee Daacish Ku Dishay Qarax Miino"

Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta aas qaran u sameysay Taliyihii Guutada 2-aad ee Ciidanka Difaaca Puntland, General Axmed Cabdi Cali (Qalyare), oo shalay ku geeriyooday qarax miino xilli uu ku guda jiray howlgal militari oo ka dhan ah kooxda Daacish.
Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka degaanka Dhasaan, degmada Qandala, ee gobolka Bari, halkaas oo ciidamada Puntland ay ka wadeen hawlgallo ka dhan ah kooxaha xagjirka ah ee ku dhuumaalaysanaya buuraleyda Calmiskaad. Qaraxa ayaa sidoo kale sababay dhimasho iyo dhaawacyo kale oo gaaray ciidamo ka tirsanaa ilaaladii gaarka ahayd ee taliyaha.
Aaska Qaran ee Marxuumka ayaa ka dhacay magaalada Garoowe, waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor, xubno ka tirsan labada gole, saraakiil ciidan, culumaa’udiin, ehelada marxuumka iyo boqolaal ka mid ah shacabka magaalada.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor, ayaa sheegay in mid ka mid ah waddooyinka waaweyn ee Garoowe loogu magac dari doono General Qalyare, taas oo astaan u ah geesinimada iyo halgankii uu u soo galay difaaca Puntland.
Ciidamada Puntland ayaa wali sii wada howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish, iyagoo sheegay inay ka go’an tahay in laga saaro dhammaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan, si loo sugo amniga iyo xasilloonida gobolka.