Mucaaradka oo War-murtiyeed Kasoo Saartay Kulankii Xalay

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen Madasha Samatabixinta Qaranka, xildhibaanno mucaarad ah, haween, aqoonyahanno, qurbo-joog, ururada bulshada, dhalinyaro, ganacsato iyo dadkii barakaca ku qasbanaa.
Kulanka kadib, waxaa la soo saaray war-murtiyeed ay ku xuseen qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin:
-
Jabinta dastuurka dalka.
-
Dib u dhaca doorashooyinka dowlad-goboleedyada.
-
Barakicinta shacabka Muqdisho.
Mucaaradka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu ka masuul yahay dhul-boobka ka socda caasimadda. Sidoo kale waxay sheegeen in muddo xileedka madaxda qaar ka mid ah dowlad-goboleedyadu uu dhammaaday, iyagoo soo jeediyay in si degdeg ah loo qabto doorashooyin cusub.