Askari Ka Tirsan DFS oo Ku Dilay Darawal Dagmadda Kaaraan

Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa lagu dilay Carab Cali, darawal ka shaqeyn jiray gaari nooca Leyla Calaawi, kadib markii uu muran ka dhashay lacag askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbanayay wiilka marxuumka ah.
Gaariga uu waday Carab Cali ayaa si joogto ah isaga kala goosha Muqdisho iyo gobollada dhexe ee dalka, sida uu sheegay adeerkiis. Askari dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana hadda socda howlgallo lagu raadinayo si gacanta loogu soo dhigo. Ciidamo ka tirsan ammaanka degmada Kaaraan ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay.
Arrintan ayaa iftiiminaysa cabashooyinka joogtada ah ee darawallada iyo dadka isticmaala gawaarida isku xira Muqdisho iyo gobollada kale ka qabaan askarta ku labisan dareeska dowladda, kuwaas oo marar badan lagu eedeeyay iney lacago sharci darro ah ka qaadaan darawallada, isla markaana ku kacaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin jirdil iyo xitaa toogasho.