Madaxweyne Xasan Sheekh oo Sharaxay Kaalinta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku tilmaamay doorashada Soomaaliya ee xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay guul taariikhi ah oo xoojinaysa kaalinta dalka ee difaaca arrimaha gobolka iyo caalamka.
Madaxweynaha oo wareysi siiyey telefishinka Al-Arabiya ayaa xusay in Soomaaliya markii ugu horreysay ku fadhiday Golaha Ammaanka sanadkii 1972-kii, halka ay tani tahay markii labaad ee dalka la doorto. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in Soomaaliya ka qeyb qaadan doonto doodo badan oo Golaha ka socda, iyadoo metelaysa Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya si cad uga taagan tahay difaaca qadiyadda Falastiin, isla markaana ay wakiil ka tahay dalalka Islaamka iyo kuwa nugul ee wajahaya caqabadaha amni ee la midka ah kuwii Soomaaliya soo martay.
“Soomaaliya waa dal yar oo leh ajende caalami ah oo kooban, balse dhexdhexaad ah, mana taageerto koox ka dhan ah mid kale. Joogitaankeennu Golaha Ammaanka wuxuu ujeedkiisu yahay inaan u adeegno danaha shacabka Soomaaliyeed iyo dalalka aanu matalno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.