|

Al-Shabaab oo soo bandhigay magaca ninkii isku qarxiyay agagaarka Hotel Dorpin

Warar · Bilan Media · February 26, 2018

Al-Shabaab ayaa sheegay magaca mid ka mid ah raggii ku lugta lahaa weerarkii dhawaan lagu qaaday Madaxtooyada iyo Xarunta Nabad Sugidda Soomaaliya.

Al-Shabaab waxaa ay magaca Ninka waday gaariga ku qarxay agagaarka Hotel Dorpin ku sheegeen Cabdullaahi Sheekh Aadan Sheekh Axmed Guure.

Ninkan oo ay Wareysatay Idaacadda Al-Shabaab ka hor isqarxintiisa ayaa waxa uu sheegay in uu ka dhashay Beesha Marreexaan kana mid ahaa dagaallamayaashii Al-shabaab ee fuliyay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Hotelka Dorpin.

Al-Shabab waxaa sidan oo kale markasta u sheegtaa dadka isqarxiya  magacyadooda iyo qabiillada ay ka soo jeedaan.

Weerarkii dhawaan ay Al-shabaab ka geysatay Muqdisho waxaa dadka ku dhintay lagu sheegay  dad ka badan 40 Qof oo u badan dad rayid ah.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.