|

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeyn ku dilay Dagaalyahano taabacsan Milliteriga dowladda Syria

Warar · Bilan Media · April 23, 2017

 

Sarkaal u hadlay Milliteriga ayaa sheegay inay Diyaaradaha Yuhuudda duqeeyeen Xeradda Al-fawar oo ku dhow Degmadda Quneytra ee K/Galbeed ee Syria.

Wakaalladda Wararka ee dalka Syria ee SANA ayaa sheegtay inay Diyaaradaha Yuhuudda waaberigii hore ee saakayto duqeeyeen Xeradaasi, isla markaana ay geysteen khasaaro.

Kooxda La-socodka Xuquuqda Aadanaha ee Syria ayaa xaqiijisay inay 2 Dagaalyahan ku dhaawacmeen duqeyntaasi.

Jimcihii la soo dhaafay, Ciiddanka Yuhuudda waxay duqeeyeen goobo ku yaalla bartamaha Syria, kadib, markii Hoobiye lagu duqeeyey qeybta Waqooyi ee Buuraha Golan Heights oo ay Milliteriga Yuhuudda qabsadeen muddo haatan laga joogo 50-sanno.

©Radio Dalsan

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.