|

Diplomasi Caalim oo sheegay in IGAD ay ku kala qaybsanta Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe

Warar · Dalsan Editor · September 7, 2016

 

Diplomaasiga Maxamed Maxamuud Nuur Caalim oo wareysi gaar ah siiyay idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin Talaabadiii Dawlada ay sida kumeel gaarka ah u joojisay Diyaaradihii qaadka ee imaan jiray Soomaaliya weeararda Alshabab ay ka fuliyaan Soomaaliya  iyo dagaalada kasoo cusboonaaday bariga Gobolka Mudug iyo arimaha shirka madsha wadatisha ee lagu turxaanbixinayo calwsanaanta kajirta aqalka sare dhismaha maamulka Hiiran iyo Shabelaha dhexe.

Caalim ayaa sheegay in dhaqaalo xumo ay ku keeni karto qoyas badan oo Soomali ah  maadama ay ganacsi iyo shaqo abuurba u ahyd taas oo ay saameyn ku yee;lan karto dad badan oo ku ganacsan  jiray wuxuuna sheegay in qaadka uu cusbo u yahay dhaq dhaqaaqa  nolosha inkastoo hadana sheegay in dhaqalo badan ay ku bixi jirtay.

Caalin ayaa sheegay in IGAD ay  markii ugu horeysay ku fashilanto arimaha shirarka Soomaliya madama ay isku keeni weysay dadka kasoo jeeda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe si ay u dhistaan maamul ay ku mideysan yihiin wuxuuna carabka ku dhuftay in Dawlada ithobiya ay sitoos ah ula safatay qaar kamid ah beelaha reer Hiiran ee diidan shirka Jowhar sida uu hadalka u dhagay.

Diplamaasi Maxamed Nuur Calim   ayaa sheegay in Meachal keating uu doonayo in saameyn siyaasadeed uu ku yeesho shirka madasha wadatashiga qaran  isgoo u ololeynaya qodobka dumarka in xooga la saaro oo ay madaxda maamul goboledyada ansixiyaan wuxuuna Caalin tilmaamay in beesha caalamka ay xooga saareyso sidii  dumarka iyo dhalanyarada kuraasta lagu soo dari laahaa iyo in  6-da Novombar aysan dhaafin doorashooyinka guud ee Dalka.

Caalim ayaa nasiib xumo ku tilmaamay in xilligan ay  Xukuumada fadhiid noqoto  oo ay ku mashquusho  arimo siyaasadeed  iyadoo ay jiraan dad kacdoon ku ah siyaasada maamulka Dawlada  isagoona sheegay inaysan jirin  wada shaqeyn ka dhexeysa Saraakiisha Dagmooyinka Gobolka Banaadir iyo kuwa heerka  qaran taasina ay keeni karto in fashil amni uu dhaco xilligan kala guurka ah Alshababna ay joogteeyaan weerarada.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Diplomaasi Caalin.

[audio mp3="http://www.radiodalsan.com/wp-content/uploads/2016/09/Callin-.mp3"][/audio]

 

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.