Farmaajo oo cambaareeyay xariga Taliye Shub
Farmaajo oo cambaareeyay xariga Taliye Shub
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul uga hadlay xarigga iyo tacaddiga lagu eedeeyay in loo geystay Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Farmaajo ayaa sheegay in ciidamada lagu dul-dhigay hoyga taliyaha ee magaalada Muqdisho isla markaana laga qaaday xorriyaddiisa ay tahay “fal cad oo aargoosi siyaasadeed ah”, isagoo intaas ku daray in arrintan ay muujineyso in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu qaaday waddo uu ku tilmaamay mid u eg kali-talisnimo.
Sidoo kale, Farmaajo wuxuu ku eedeeyay dowladda hadda jirta inay si gaar ah u beegsaneyso wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ka soo jeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay taageersan yihiin qabsoomidda doorashooyinka deegaankooda.
Wuxuu arrintan ku tilmaamay mid muujineysa in madaxweynuhu ka leexday rabitaanka shacabka.
Madaxweynihii hore ayaa ugu baaqay dowladda in si degdeg ah loo sii daayo taliyaha la xiray, isagoo sidoo kale uga digay Madaxweyne Xasan Sheekh ku takri-falka awoodda iyo tallaabooyin uu sheegay inay halis gelin karaan dowladnimada dalka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamullada dalka, gaar ahaan Koonfur Galbeed, kuwaas oo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo maamulka awoodaha dowladda.