Iiraan oo sheegtay inay soo ridday diyaarad drone ah oo dul mareysay Tehran
Iiraan oo sheegtay inay soo ridday diyaarad drone ah oo dul mareysay Tehran
Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo nooca Hermes ah, xilli ay mareysay hawada magaalada Tehran.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Mizan, ciidanku waxay adeegsadeen nidaamkoodii ugu dambeeyay ee difaaca cirka si ay u soo ridaan diyaaradda, taas oo la sheegay inay sidday qalab ama hub.
Diyaaradaha nooca Hermes ayaa leh noocyo kala duwan oo loo adeegsado hawlgallo kala geddisan, balse inta badan waxaa loo isticmaalaa uruurinta xogta sirdoonka.
Nooca casriga ah ee loo yaqaan Hermes 900, oo dhererkiisu gaarayo siddeed mitir, ayaa awood u leh inuu duulo masaafo dheer isla markaana hawada ku sii jiro muddo dheer.
Iiraan ayaa sidoo kale sheegtay inay burburisay 132 diyaaradood oo aan duuliye lahayn tan iyo markii uu dagaalku billowday 28-kii Febraayo ee sanadkan.