Maxaa ka cusub xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee lagu afduubtay Buula-burde?
Maxaa ka cusub xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee lagu afduubtay Buula-burde?
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo xalay lagu afduubtay degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.
Wararkii ugu dambeeyay ee saaka la helayo ayaa xaqiijinaya in la sii daayay saddexdii xubnood ee ka tirsanaa Guddiga Doorashooyinka ee la afduubtay.
Afduubka ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda hirgelinta doorashada qof iyo cod, taasoo Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso in laga hirgeliyo qaybo ka mid ah dalka.
Dhacdadan ayaa si degdeg ah u abuurtay walaac iyo cabsi ka taagan gobolka, iyadoo markii hore aan la caddeyn halka lagu hayay xubnaha iyo xaaladdooda caafimaad. Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo laga bixiyay goobta ay ku sugnaayeen muddadii la haystay ama xaaladdooda guud.
Arrintan waxay imaneysaa xilli ay sii xoogeysanayaan muranka iyo xiisadaha la xiriira hannaanka doorashooyinka dalka. Qaar ka mid ah beelaha iyo ururrada siyaasadeed ayaa muujinaya shaki iyo walaac ku aaddan qorshaha doorashada iyo doorka guddiga doorashooyinka.
Dowladda Soomaaliya ayaa weli wada dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo xaqiijinta in doorashada qof iyo cod ay si nabadgelyo ah ku dhacdo, inkastoo xiisadaha siyaasadeed iyo khilaafaadka doorashada ay weli caqabad ku yihiin xasilloonida guud ee dalka.