|

Deni oo Ka Digay Labo Khatar oo Halis ku ah Dalka

Warar · Ilhaan · February 22, 2026
Deni oo Ka Digay Labo Khatar oo Halis ku ah Dalka
Deni oo Ka Digay Labo Khatar oo Halis ku ah Dalka
In Summary

Deni oo Ka Digay Labo Khatar oo Halis ku ah Dalka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo la hadlay qaar kamid ah waxgaradka Gobolka Banaadir, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo qorshaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in GMS ay muujiyeen dulqaad si aysan cudud ugu adeegsan qorshaha dowladda, isagoo xusay: “Golaha Mustaqbalka waxay sameeyeen dulqaad wanaagsan, mana rabno dagaal; waxa keliya noo furan waa dagaalka argagixisada.”

Dhanka kale, Deni ayaa baaq toos ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ugu baaqay in la gaaro heshiis siyaasadeed. Wuxuu sheegay in waayo-aragnimadii dagaalka Daacish ee Puntland ay muujisay in dalka aan lagu difaaci karin awood dowlad-goboleed oo keliya, isaga iyo Axmed Madoobe ay u taagan yihiin badbaadinta jiritaanka dowladnimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale caddeeyay in Puntland aysan qeyb ka ahayn wax-ka-beddelka dastuurka, isagoo sheegay in dastuurka la wado uusan ka turjumeyn heshiis qaran oo loo dhan yahay.

Ugu dambeyntii, Deni ayaa ka digay labo khatar oo uu sheegay inay si xooggan ugu soo wajahan yihiin dalka: midda koowaad waa in dalku kala irdhoobo, midda labaadna waa in ay qabsadaan dad aan la garanayn.

Wuxuu tusaale u soo qaatay ajaaniibtii lagu qabtay dagaalka ka dhanka ah Daacish iyo wixii Puntland ku aragtay buuraleyda Calmiskaad. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in khatar ka sii weyn laga filan karo gobollada Koonfurta Soomaaliya ee ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.