|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo La Kulmaya Axmed Madoobe iyo Deni

Warar · Ilhaan · February 17, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo La Kulmaya Axmed Madoobe iyo Deni
Madaxweyne Xasan Sheekh oo La Kulmaya Axmed Madoobe iyo Deni
In Summary

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa La Kulmaya Axmed Madoobe iyo Deni

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta la filayaa inuu kulankii ugu horreeyay la yeesho Golaha Mustaqbalka, oo ay ku jiraan madaxda Puntland, Jubaland iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta Mucaaradka.

Madaxweynaha ayaa booqan doona xarunta Xalane, halkaas oo ay degan yihiin qaar ka mid ah hoggaanka Golaha Mustaqbalka, isla markaana lagu wado in kulanka qado-sharafeedka ah uu ka dhaco.

Kulankan ayaa la doonayaa inuu noqdo tallaabo isu soo dhawaansho ah, si gogol loogu xaadho shirka ballaaran ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka iyo marxaladaha kala guurka ee dalka wajahayo.

Ilaa hadda lama oga waxa si rasmi ah uga soo bixi doona kulanka maanta, iyadoo laga wada hadli doono qabsoomidda shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, iyo caqabadaha hortaagan.

Labada dhinac ayaa weli isku fahmi la’ goobta shirka rasmiga ah lagu qabanayo. Golaha Mustaqbalka waxay ku adkeysanayaan in lagu qabto gudaha Xalane, halka Dowladda Federaalka ay dooneyso in kulanku ka dhaco Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland oo muddo toddobaad ah ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa hore ula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.