|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahal Teleefanka ah la yeeshay Amiirka dalka Qatar

Warar · Ilhaan · February 17, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahal Teleefanka ah la yeeshay Amiirka dalka Qatar
Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahal Teleefanka ah la yeeshay Amiirka dalka Qatar
In Summary

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahal Teleefanka ah la yeeshay Amiirka dalka Qatar

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamiim Bin Hamad Al-Thaani.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa wadahadalkooda diiradda ku saaray xoojinta iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar, iyadoo labada hoggaamiye ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in la sii adkeeyo iskaashiga iyo wadashaqeynta ka dhaxeeya labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar, go’aankii aan leex leexadka lahayn ee ay ku garab istaagtay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo sidoo kale ku bogaadiyay taageerada joogtada ah ee ay dowladda Qatar u fidiso hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimo iyo dhismaha hay’adaha dowliga

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.