Booliska Kenya oo Xiray Nasir Cige iyo Faahfaahin laga Bixiyay Eedeymaha loo Haysto
Booliska Kenya oo Xiray Nasir Cige, Faahfaahin laga Bixiyay Eedeymaha loo Haysto
Booliska Kenya ayaa shaaciyay in ay xireen nin 37 jir ah oo haysta labada dhalasho ee Soomaaliya iyo Australia, kaas oo lagu qabtay Garoonka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta (JKIA) ee magaalada Nairobi.
Sida lagu sheegay qoraal rasmi ah, ninkan oo lagu magacaabo Nasir Cige ayaa lagu xiray Terminal 1A xilli uu ka soo degayay diyaarad ay leedahay Kenya Airways, isagoo ka yimid Australia kuna soo hakaday magaalada Johannesburg.
Booliska Kenya ayaa sheegay in muddo lagu hayay dabagal, isla markaana lagu calaamadeeyay digniin xaddidaysa socdaalkiisa oo la soo saaray 30-kii Janaayo 2026. Waxaa lala xiriiriyay kiis ku saabsan inuu si been abuur ah ku helay lacago tiro badan.
Kadib markii lagu baaray saldhigga booliska ee JKIA, waxaa loo gudbiyay saraakiisha DCI (Waaxda Dembi-baarista) si loo sii wado baaritaanno dheeraad ah, iyadoo la xaqiijiyay in weli ay socdaan baaritaannada la xiriira kiiska.
Dhankiisa, Nasir Cige ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay inuu gacanta ugu jiro booliska Kenya ee la dagaallama argagixisada, isaga oo xarigiisa ku eedeeyay madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.