|

Bangladesh oo Maanta u Dareertay Doorasho Qaran

Warar · Ilhaan · February 12, 2026
Bangladesh oo Maanta u Dareertay Doorasho Qaran
Bangladesh oo Maanta u Dareertay Doorasho Qaran
In Summary

Bangladesh oo Maanta u Dareertay Doorasho Qaran

In ka badan 120 milyan oo muwaadiniin ah ayaa maanta la filayaa inay ka qeyb qaataan doorashada guud ee ka socota dalka Bangladesh, si ay u doortaan dowlad cusub oo hoggaamisa dalka.

Doorashadan ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo markii dhaqdhaqaaq ay hormuud u ahaayeen dhalinyaro ay si lama filaan ah xilka uga tuureen raysal wasaarihii hore, Sheikh Hasina.

Mudaharaadyadii dhacay sanadkii 2024 ayaa soo afjaray 15 sano oo xukun sii adkaanayay oo ay hoggaaminaysay Hasina, kuwaas oo beddelay jihada siyaasadeed ee dalka.

Dad badan oo reer Bangladesh ah ayaa rajo weyn ka qaba in doorashada maanta ay horseedi doonto xilli cusub oo ku dhisan dowlad metelaad, isla markaana fursad u noqota dib u habeyn siyaasadeed iyo xasillooni waarta.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.