|

Jarmalka: “Gantaallada Iiraan Khatar kuma aha Israa’iil oo keliya, balse Yurubna way Saameynayaan”

Warar · Ilhaan · February 12, 2026
Jarmalka: “Gantaallada Iiraan Khatar kuma aha Israa’iil oo keliya, balse Yurubna way Saameynayaan”
Jarmalka: “Gantaallada Iiraan Khatar kuma aha Israa’iil oo keliya, balse Yurubna way Saameynayaan”
In Summary

Jarmalka: “Gantaallada Iiraan Khatar kuma aha Israa’iil oo keliya, balse Yurubna way Saameynayaan”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jarmalka ayaa sheegay in dalkiisu ay ka go’an tahay in xal diblomaasiyadeed laga gaaro khilaafka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka iyo gantaallada Tehran.

Johann Wadful, oo ka hadlayay kulan uu magaalada Berlin kula yeeshay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Bartamaha Aasiya, ayaa carrabka ku adkeeyay in barnaamijka gantaalaha ballistic-ga ee Iran uu halis ku yahay amniga gobolka iyo kan Yurub.

“Marka laga soo tago barnaamijka nukliyeerka, barnaamijka gantaalaha ballistic-ga ee Iran wuxuu khatar ku yahay Israa’iil iyo Yurub,” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu sidoo kale xusay in danaha Jarmalka iyo Yurub ay ku jirto in arrimahan lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan diblomaasiyadeed, si loo yareeyo xiisadaha jira.

Toddobaadyadii u dambeeyay, Jarmalka ayaa qaatay mowqif adag oo ka mid ah dalalka Yurub, gaar ahaan marka la eego cambaareynta dilalka loo geystay dadka mudaaharaadaya ee Iran. Wasiirka ayaa mar kale adkeeyay in “gantaallada Iiraan aysan khatar ku ahayn Israa’iil oo keliya, balse ay sidoo kale khatar ku yihiin Yurub.”

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.