Soomaaliya oo si Rasmi ah u Billowday Dib u Dhiska Ciidanka Badda
Maraakiibtan ayaa la filayaa inay door muuqata ka qaataan sugidda amniga xeebaha Soomaaliya
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daahfurtay qorshe ballaaran oo lagu dib u dhisayo laguna tayeynayo Ciidanka Badda Soomaaliyeed, iyadoo dowladda Turkey ay hoggaaminayso tababarka iyo taageerada farsamo ee la siinayo ciidamada.
Qalabkii ugu horreeyay ee loogu talagalay tababarka Ciidanka Badda ayaa la keenay magaalada Muqdisho, taasoo muujinaysa bilowga istiraatiijiyad lagu xoojinayo awoodda badeed ee dalka. Sidoo kale, Muqdisho waxaa soo gaaray Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Turkey, Admiral Mustafa Kaya, oo kulamo la yeeshay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Difaaca.
Kulamadaasi ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta tababarrada, xoojinta iskaashiga farsamo, iyo kor u qaadista awoodda difaac ee badda, si Soomaaliya u yeelato ciidan awood u leh ilaalinta xeebaha iyo la-dagaallanka khataraha ka jira biyaha dalka.
Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Boqortooyada Sucuudiga, kaddib wada-hadallo ay la yeelatay saraakiisha amniga Soomaaliya, ay ka codsatay Dowladda Federaalka inay si rasmi ah u soo gudbiso baahiyaha ay ka doonayso Riyadh. Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay gudbisay laba codsi oo muhiim ah.
Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in Sucuudigu diyaar u yahay inuu Soomaaliya ku wareejiyo maraakiib ay hore u adeegsan jireen Ciidankooda Badda, kuwaas oo hadda laga saaray isticmaalka kaddib markii lagu beddelay qalab casri ah.
Maraakiibtan ayaa la filayaa inay door muuqata ka qaataan sugidda amniga xeebaha Soomaaliya, la-dagaallanka burcad-badeedda, tahriibta, iyo khataraha kale ee ka jira badda.
Intaasi waxaa dheer, dowladda Turkey ayaa si rasmi ah u billaabaysa tababarka ciidamada cusub, halka heshiisyada la xiriira wareejinta maraakiibta la filayo in lagu soo gabagabeeyo booqashada Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku tegi doono Boqortooyada Sucuudiga maalmaha soo socda.
Tallaabooyinkan ayaa ka tarjumaya dadaal xooggan oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso dib u dhiska awoodda difaac ee badda iyo xoojinta iskaashiga amni ee ay la leedahay dalalka saaxiibka ah, si loo ilaaliyo madaxbannaanida iyo badbaadada biyaha Soomaaliyeed.