Xasan Sheekh oo Sheegay in Wafdi ka Socda Mareykanka Ay Imaan Doonaan Muqdisho
Madaxweynaha ayaa arrintan ku sheegay wareysi uu siiyay
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xaqiijiyay in dhawaan magaalada Muqdisho ay iman doonaan wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Mareykanka.
Madaxweynaha ayaa arrintan ku sheegay wareysi uu siiyay telefishinka Al Jazeera, isagoo xusay in booqashada wafdigaasi ay muhiim u tahay xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.
“Waxaan dhowaan filaynaa wafdi kale oo heer sare ah oo ka imanaya Mareykanka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah ka bixin ujeedada rasmiga ah ee safarka wafdigaasi.
Imaanshaha wafdigan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahayo duruufo siyaasadeed iyo amni oo xasaasi ah, gaar ahaan muranka ka taagan wax-ka-beddelka Dastuurka, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo dadaallada lagu xoojinayo xiriirka caalamiga ah ee dalka.
Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah saaxiibada ugu muhiimsan ee Soomaaliya, iyadoo door weyn ku leh taageerada amniga, tababarka ciidamada, la-dagaallanka argagixisada, iyo taageeridda hannaanka dowlad-dhiska.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in wafdiga Mareykanka ay la kulmi doonaan madaxda ugu sarreysa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ka wadahadli doona arrimo ay ka mid yihiin amniga, xasilloonida siyaasadeed, iskaashiga milatari, iyo taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya.
Illaa iyo hadda lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee wafdigaasi ay imaan doonaan magaalada Muqdisho.