|

Baarlamaanka Puntland oo Taageeray Joojinta Wax-ka-beddelka Dastuurka Soomaaliya

Warar · Ilhaan · February 3, 2026
Baarlamaanka Puntland oo Taageeray Joojinta Wax-ka-beddelka Dastuurka Soomaaliya
Intii uu socday fadhiga, Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday xaaladda guud
In Summary

Intii uu socday fadhiga, Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday xaaladda guud

Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah u taageeray joojinta wax-ka-beddelka lagu sameynayo Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay tallaabo kasta oo aan loo marin hannaan sharci ah mid sharci-darro ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Cisse, ayaa shir-guddoomiyay fadhiga 4-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha.

Intii uu socday fadhiga, Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday xaaladda guud ee Puntland, waxaana warbixinno laga dhegeystay Guddoomiyeyaasha guddiyada Golaha, kuwaas oo la xiriiray arrimaha amniga, siyaasadda, xaaladda abaaraha ee ka jirta deegaannada Puntland, iyo isku dayga sharci-darrada ah ee wax-ka-beddelka Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale, guddiyo gaar ah oo Guddiga Joogtada ah u xilsaarnaa hawlo gaar ah ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan shaqooyinkii ay wadeen.

Kadib dhegeysiga warbixinnada, Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa isku raacay qodobbadan:

  1. In guddiyada gaarka ah ee golaha loo xilsaaray ay warbixinnadooda dhammeystiran kusoo gudbiyaan fadhiga xiga.

  2. In warqad talo-soo-jeedin ah lala wadaago Xukuumadda Puntland, taasoo taabanaysa amniga gudaha, tayeynta hay’adaha dowladda, arrimaha garsoorka iyo caddaaladda, gurmadka abaaraha, hannaanka xisbiyada badan, iyo arrimaha Federaalka Soomaaliya.

  3. In Golaha Wakiilladu door muuqda ka qaato gurmadka abaaraha, iyadoo guddiga gaarka ah ee arrimaha abaaruhu si joogto ah ula socon doono xaaladda abaaraha, abaabulka gurmadka, iyo ka jawaabista saameynta ay abaaruhu ku yeesheen bulshada.

  4. In si adag loo cambaareeyo isku day kasta oo wax-ka-beddel sharci-darro ah lagu sameeyo Dastuurka Ku-meel-gaarka ah, kaas oo aan loo marin hannaan sharci-dejineedkii uu dastuurku jideeyay, isla markaana aan laga qayb-gelin shacabka iyo hay’adaha Puntland, sida ku cad Qodobada 132 iyo 137 ee Dastuurka KMG ah.

  5. In Baarlamaanka Puntland, isagoo matalaya shacabka Puntland, uu caddeeyay in natiijo kasta oo ka dhalata wax-ka-beddel lagu sameeyo Dastuurka KMG ee 2012, iyadoo aan hay’adaha Puntland si buuxda uga qayb-qaadan, ay tahay mid waxba kama jiraan ah, isla markaana aan wax sharci ah ku yeelan doonin Puntland.

  6. In la bogaadiyo xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka horyimid isku dayga wax-ka-beddelka sharci-darrada ah ee dastuurka, inkastoo ay la kulmeen cadaadis amni iyo caqabado lagu hor istaagay gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.

  7. In ugu dambayn baaq loo diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed si ay uga shaqeeyaan midnimada, wadajirka, iyo badbaadinta dalka, gaar ahaan ilaalinta Dastuurka heshiiska lagu yahay ee la ansixiyay sannadkii 2012.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.