Wafdi ka Socda DFS oo Geneva uga Qaybgalay Shirka Guddiga Fulinta WHO
Shirkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa ah madal muhiim ah
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galay furitaanka Shirka 158-aad ee Guddiga Fulinta Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), kaas oo si rasmi ah uga furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Shirkan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa ah madal muhiim ah oo lagu dejiyo jihada istaraatiijiyadeed, go’aannada, iyo siyaasadaha guud ee hagaya nidaamka caafimaadka dunida. Soomaaliya ayaa ka mid ah 34-ka dowladood ee xubnaha ka ah Guddiga Fulinta WHO (Executive Board), taas oo muujinaysa doorka iyo codka ay ku leedahay go’aannada caalamiga ah ee la xiriira caafimaadka.
Ka qaybgalka Wasiirka Caafimaadka iyo wafdigiisa ayaa xoojinaya doorka firfircoon ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee hoggaaminta, iskaashiga caalamiga ah, iyo horumarinta nidaamka caafimaadka adduunka, iyadoo si gaar ah mudnaanta loo siinayo danaha iyo baahiyaha caafimaad ee shacabka Soomaaliyeed.