|

Puntland oo ka hadashay ciidamadii laga celiyay Muqdisho

Warar · Ilhaan · February 1, 2026
Puntland oo ka hadashay ciidamadii laga celiyay Muqdisho
Puntland oo ka hadashay ciidamadii laga celiyay Muqdisho
In Summary

Puntland ayaa ka hadashay ciidamadii laga celiyay Muqdisho

Maamulka Puntland ayaa war rasmi ah kasoo saaray arrinta la xiriirta ciidamadii ka tirsanaa ilaalada Madaxweynaha Puntland ee hawada laga celiyay, xilli ay kusoo wajahnaayeen magaalada Muqdisho.

Bayaan ay soo saartay Madaxtooyada Puntland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu eedeeyay in ay halis gelisay nolosha saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa ilaalada Madaxweynaha, kuwaas oo horudhac u ahaa safarkiisa Muqdisho, si uu uga qeyb galo shir siyaasadeed oo lagu balansanaa.

Puntland ayaa sheegtay in tallaabada lagu celiyay diyaaradihii waday ciidamadeeda ay tahay mid aan la aqbali karin, isla markaana muujinaysa kalsooni-darro iyo caqabad ku ah wada-hadallada u dhexeeya dhinacyada siyaasadda.

Sidoo kale, Puntland waxay caddeysay in iyada iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay hore u aqbaleen ka qeybgalka gogosha wadatashiga ee ay ku baaqday Dowladda Federaalka, balse Madaxweynaha Soomaaliya uu qaaday tallaabooyin ay ku tilmaantay kuwo carqaladeynaya hirgelinta shirkaasi.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in arrintan ay dhacday kadib markii guddiyada farsamada ee Golaha Mustaqbalka iyo kuwa Dowladda Federaalka ay isla meel dhigeen hanaanka shirka.

Maamulka Puntland ayaa ugu dambeyn baaq u diray shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, iyaga oo ka codsaday in aan la aqbalin, sida ay sheegeen, hab-dhaqanka ay Dowladda Federaalka ku kala fogeynayso wadajirka, midnimada iyo wada-tashiga dalka.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka jawaabaya eedeymaha Puntland, balse arrintan ayaa sii kordhisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan caasimadda, xilli ay soconayaan wadahadallo xasaasi ah.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.