|

Diyaarado waday ilaalada Deni iyo Axmed Madoobe oo laga celiyay Muqdisho

Warar · Ilhaan · February 1, 2026
Diyaarado waday ilaalada Deni iyo Axmed Madoobe oo laga celiyay Muqdisho
Diyaarado waday ilaalada Deni iyo Axmed Madoobe oo laga celiyay Muqdisho
In Summary

Diyaarado waday ilaalada Deni iyo Axmed Madoobe oo laga celiyay Muqdisho

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hawada ka celisay diyaarado siday ciidamo aad u hubeysan oo ka kala yimid magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, kuwaas oo ka tirsanaa ilaalada gaarka ah ee Madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Diyaaradaha waday ciidamadan ayaa la hakiyay xilli ay kusoo wajahnaayeen magaalada Muqdisho, waxaana lagu amray in ay dib ugu laabtaan goobihii ay ka soo kaceen. Ciidamadan ayaa la filayay in ay suggaan amniga Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kuwaas oo lagu wado in ay maalinta berri ah yimaadaan caasimadda.

Ciidamada la celiyay ayaa saakay si weyn uga soo muuqday baraha bulshada, iyagoo wata hub culus, taas oo dhalisay hadal-heyn iyo walaac ku saabsan amniga iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa la yaabay sababta loo keenayo ciidamo aad u hubeysan, maadaama hoggaamiyeyaasha la filayo in ay degi doonaan gudaha Xerada Xalane, oo ah goob si gaar ah loo ilaaliyo, isla markaana ay amnigeeda mas’uul ka yihiin ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa caalamiga ah.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulada Puntland iyo Jubbaland oo si cad uga hadlay arrintan.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.