Dib u dhac ku yimid Shirkii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed
Shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka
Dib u dhac ayaa ku yimid shirkii ay maanta ku balansanaayeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo lagu waday in uu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.
Shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ayaa haatan la qorsheeyay in uu si rasmi ah u furmo maalinta Talaadada, kaddib markii dib loo dhigay kulankii maanta.
Waxaa la filayaa in maalinta Isniinta ay Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kuwaas oo door muhiim ah ku leh wadahadallada socda.
Shirka ayaa lagu qaban doonaa Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, oo lagu tilmaamay goob ammaan iyo dhexdhexaad ah, isla markaana ay ku qanacsan yihiin dhinacyada ka qeybgalaya.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixisay in shirka lagu qabto xarunta Madaxtooyada Qaranka, hase yeeshee arrintaasi ma aysan hirgelin, kaddib markii dhinaca mucaaradka ay ku adkaysteen in aysan ka gudbi doonin xayndaabka garoonka, sababo la xiriira arrimo amni iyo kalsooni darro.
Ajandaha shirka ayaa la filayaa in uu diiradda saaro xaaladda guud ee siyaasadda dalka, gaar ahaan khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, hannaanka doorashooyinka, iyo xoojinta wadatashiga iyo is-afgaradka dhinacyada siyaasadeed ee kala aragtida duwan.