|

Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Gobolka Hiiraan

Warar · Ilhaan · February 1, 2026
Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Gobolka Hiiraan
Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Gobolka Hiiraan
In Summary

Horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 8-aad Guutada 18-aad, qeybta koowaad ee Kumaandooska Gorgor, Dhamme Naqiib Cabdullaahi Xersi, kaas oo xaqiijiyay in la khaarajiyay horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku howlanaa farsameynta qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Taliyuhu ayaa sheegay in howlgallada ka socda gobollada dalka ay jab xooggan ku gaarsiiyeen Khawaarijta, kuwaas oo ku waayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad tiro badan oo dhibaato ku hayay dadka masaakiinta ah.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka ay ku ciribtirayaan kooxaha argagixisada ah, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.