Booliska Hodan oo soo xiray Garyaqaan ku eedeysan kicin dadweyne iyo qalqal-gelin amni
Booliska Hodan oo soo xiray Garyaqaan ku eedeysan kicin dadweyne iyo qalqal-gelin amni
Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga degmada Hodan ayaa soo xiray Mahad Maxamuud Xamarow, oo ah garyaqaan, kana mid ah eedeysanayaasha lagu tuhunsan yahay kicin dadweyne iyo qalqal-gelin amni.
Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi, ayaa sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh, si sharciga loo waafajiyo eedeymaha loo haysto.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa xusay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud iyo ka hortagga fal kasta oo wax u dhimaya xasilloonida caasimadda.