Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo si rasmi ah loo gudbiyay
Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo si rasmi ah loo gudbiyay
Waxaa si rasmi ah loo gudbiyay mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kaas oo looga dalbanayo in kalsoonida lagala noqdo.
Mooshinkan, oo ay saxiixeen in ka badan 100 mudane oo ka tirsan Golaha Shacabka, ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah oo ay dalka ka taagan tahay dood adag oo la xiriirta wax-ka-beddelka Dastuurka, taas oo dhalisay kala qeybsanaan xooggan oo soo dhex gashay mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Qoraalka mooshinka ayaa lagu xusay qodobo dhowr ah oo ay xildhibaannadu ku sheegeen sababaha ay kalsoonida ugala noqonayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Qodobadaasi waxaa ka mid ah:
1. Ku-tumasho Habraaca Dastuurka:
In guddoonku uu garab maray hannaanka sharciga ah ee loogu talagalay ka doodista iyo ansixinta qodobada masiiriga ah.
2. Maamul-xumo iyo Ku-takri-fal Awoodeed:
Waxaa lagu eedeeyay inuu u adeegsaday awoodda guddoonka si aan waafaqsanayn xeer-hoosaadka Baarlamaanka.
3. Codayn iyo Kooram aan Sharci ahayn:
Xildhibaannada mooshinka keenay ayaa sheegay in dhowr jeer la sameeyay codayn aan loo dhammayn kooramka loo baahan yahay, balse uu Guddoomiyuhu meel-mariyay.
4. Luminta Kalsoonida:
Waxay ku doodeen in Guddoomiyuhu uu waayay kalsoonidii uu ku hoggaamin lahaa Golaha Shacabka, taas oo ay sheegeen inay curyaaminayso hufnaanta nidaamka baarlamaanka.
Dhaqdhaqaaqan ayaa u muuqda mid dhabar-jab ku ah dadaallada Madaxtooyada Soomaaliya ee lagu dhammaystirayo dib-u-eegista Dastuurka, maadaama Aadan Madoobe uu udub-dhexaad u yahay isku xirka fulinta iyo xeer-dejinta.
Haddii mooshinkan la aqbalo, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa gali kara xaalad cakiran oo keeni karta jahwareer siyaasadeed oo hor leh.