|

Gen Odawaa oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay.

Warar · Ilhaan · January 29, 2026
Gen Odawaa oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay.
Gen Odawaa oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay.
In Summary

Gen Odawaa oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka ka qaaday Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Odawaa Yuusuf Raagge, waxaana xilkaasi loo magacaabay Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud.

 

 

 

Jeneraal Ibraahim horey wuxuu u ahaa Taliyaha Taliska Taakulada Guud ee Ciidamada Xoogga Dalka, wuxuuna ka mid yahay saraakiisha ay soo tababartay dowladda Turkiga.

Jeneraal Odawaa, oo laba mar soo noqday taliyaha milateriga, ayaa lagu beddelay sarkaal da’ yar, taas oo muujinaysa isbeddel lagu sameynayo hoggaanka ciidamada.

Inkastoo sabab rasmi ah aan la shaacin, balse  waxaa xusid mudan in sanadkii la soo dhaafay ciidamada ay ka baxeen deegaano badan oo muhiim ah, taas oo keentay cabashooyin ku saabsan waxqabadka ciidamada.

Magacaabista taliyaha cusub ayaa ku soo aadeysa xilli dalka uu wajahayo caqabado amni oo joogto ah, waxaana la filayaa in Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud uu hoggaamiyo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.