|

Fadhigii BFS oo buuq ku soo xirmay, mucaaradkuna ka hortagay qorshaha wax ka beddelka Dastuurka

Warar · Ilhaan · January 28, 2026
Fadhigii BFS oo buuq ku soo xirmay, mucaaradkuna ka hortagay qorshaha wax ka beddelka Dastuurka
Fadhigii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo buuq ku soo xirmay, mucaaradkuna ka hortagay qorshaha wax ka beddelka Dastuurka
In Summary

Fadhigii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa buuq ku soo xirmay, mucaaradkuna ka hortagay qorshaha wax ka beddelka Dastuurka

Fadhigii wadajirka ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku soo dhammaaday buuq iyo is-mariwaa xooggan, kaddib markii xildhibaano ka tirsan mucaaradka ay si cad uga horyimaadeen qorshaha wax ka beddelka shan cutub oo ka mid ah Dastuurka KMG ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa ku guuldareystay inuu si rasmi ah u furo fadhiga, kaddib markii xildhibaano diidan ajandaha kulanka ay kiciyeen sawaxan xooggan. Arrintaas ayaa sababtay in guddoonka Baarlamaanka uu si degdeg ah uga baxo xarunta, halkaasna uu kulanku ku xirmo.

Intii uu buuqa socday, xildhibaano ka tirsan labada dhinac ayaa gacan ka hadal dhexmaray, iyadoo xaaladdu gaartay heer aan la xakameyn karin. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in goobta uu gacan ka hadal ku dhexmaray Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Axmed Fartaag, iyo Xildhibaan Xasan Firinbi.

Xildhibaanada mucaaradka ah ee ka soo horjeeda wax ka beddelka Dastuurka iyo waxa ay ku tilmaameen qorshe muddo-kordhin ah oo lagu eedeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si cad u muujiyay diidmo. Xildhibaano ka mid ah mucaaradka ayaa jeex-jeexay warqadihii ajandaha fadhiga maanta, iyagoo ku muujinaya diidmo buuxda.

Mudanayaashan ayaa Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka ku eedeeyay inay doonayaan inay meel mariyaan isbeddello Dastuuri ah oo aysan haysan taageerada shacabka iyo inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka.

Xildhibaanada mucaaradka ayaa ku guuleystay inay fashiliyaan qorshihii maanta lagu doonayay in lagu meel mariyo wax ka beddelka Dastuurka, kaas oo ay ku tilmaameen mid lagu xoojinayo awood-uruursi iyo muddo-kordhin.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda xildhibaano ka tirsan mucaaradka ay la hadlaan warbaahinta, si ay u faahfaahiyaan mowqifkooda iyo sababaha ay si adag uga horjeedaan ajandaha dowladda.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.