|

Somaliland oo si rasmi ah u beenisay joogitaanka ciidan shisheeye ee Awdal

Warar · Ilhaan · January 26, 2026
Somaliland oo si rasmi ah u beenisay joogitaanka ciidan shisheeye ee Awdal
Somaliland Flag 3D Rendering on Blue Sky Building Background
In Summary

Somaliland oo si rasmi ah u beenisay joogitaanka ciidan shisheeye ee Awdal

Xukuumadda Somaliland ayaa si cad u beenisay war ay baahisay warbaahinta Al Arabiya, kaas oo lagu sheegay in ciidamo shisheeye ay ku sugan yihiin magaalada Saylac ee gobolka Awdal.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ay soo saartay Somaliland ayaa lagu xaqiijiyay in aysan jirin wax ciidan shisheeye ah oo ku sugan gobollada Awdal iyo Salal, iyadoo la caddeeyay in ciidanka keliya ee ka jooga deegaannadaasi ay yihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland.

“Ma jiraan wax ciidan shisheeye ah oo ku sugan gobollada Awdal iyo Salal, mana jiraan wax ciidan ah oo halkaas jooga marka laga reebo Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Somaliland ayaa warbaahinta caalamka ugu baaqday in ay hubiyaan saxnaanta xogtooda ka hor inta aysan baahin warar ay ku tilmaantay kuwo khaldan oo marin-habaabin ku ah amniga iyo xasilloonida dalka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.