|

NISA oo sheegtay in ay qabatay shabakad ka tirsan Al-Shabaab

Warar · Ilhaan · January 24, 2026
NISA oo sheegtay in ay qabatay shabakad ka tirsan Al-Shabaab
NISA oo sheegtay in ay qabatay shabakad ka tirsan Al-Shabaab
In Summary

NISA oo sheegtay in ay qabatay shabakad ka tirsan Al-Shabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay shabakad argagixiso oo ka tirsan Al-Shabaab, kana kooban shan 5 xubnood, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen in si qarsoodi ah u soo galaan magaalada Muqdisho si ay uga fuliyaan falal amni-darro.

War rasmi ah oo ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in hay’addu ay muddo si dhow ula socotay dhaqdhaqaaqyada shabakaddan iyo dhagaraha ay maleegayeen, kaddibna lagu guuleystay in hawlgal qorsheysan lagu soo qabto xubnahaasi.

Sidoo kale, NISA waxay sheegtay in hawlgalka lagu soo qabtay noocyo kala duwan oo qaraxyo ah, hub iyo gaadiid, kuwaas oo la tuhunsan yahay in loo diyaarinayay fulinta weerarro argagixiso oo lagu beegsan lahaa caasimadda.

Hay’addu waxay mar kale adkaysay go’aankeeda ku aaddan ka hortagga iyo ciribtirka khataraha amni ee ka imaanaya Al-Shabaab, iyada oo xustay in ay sii wadi doonto howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.