|

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray dalka Pakistan

Warar · Ilhaan · January 21, 2026
Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray dalka Pakistan
Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray dalka Pakistan
In Summary

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray dalka Pakistan

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa socdaal shaqo ku gaaray Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan.

Inta ay joogaan dalka Pakistan, wafdigu waxa ay kulamo la yeelan doonaan masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Pakistan, iyagoo ka wadahadli doona xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada aqoonsiga qaranka iyo diiwaangelinta dadweynaha, arrimaha doorashooyinka, dimuqraadiyadda, iyo iskaashiga la xiriira gargaarka iyo maareynta musiibooyinka.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay caasimadda Islamabad, waxaana halkaasi ku qaabilay masuuliyiin ka tirsan dowladda Pakistan iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, Danjire Sheekh Nuur Maxamed Xasan.

Wafdiga Wasiirka waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Mudane Cabdiweli Timacadde, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin, iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Kaniif.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.