MW Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika oo ka wadahadlay arrimo xasaasi ah
MW Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika oo ka wadahadlay arrimo xasaasi ah
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khadka taleefanka kula yeeshay wadahadal Madaxweynaha Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, xaaladda guud ee gobolka, iyo kor u qaadista iskaashiga dhinacyada ay labada dal dano wadaag ka leeyihiin, gaar ahaan arrimaha amniga, nabadgelyada iyo horumarka.
Intii uu socday wadahadalka, Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada buuxda ee dowladda Koonfur Afrika ay u hayso madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.