|

MW Xasan Sheekh oo Gogol Wadahadal u Furaya Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada

Warar · Ilhaan · January 18, 2026
MW Xasan Sheekh oo Gogol Wadahadal u Furaya Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada
MW Xasan Sheekh oo Gogol Wadahadal u Furaya Mucaaradka iyo Maamul Goboleedyada
In Summary

Gogoshan wadatashiga ah ayaa imanaysa kaddib shirkii

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo gogol wadahadal oo ay Dowladda Federaalka la galeyso siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Gogoshan wadatashiga ah ayaa imanaysa kaddib shirkii Isbaheysiga Mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka, oo bishii hore ee Diseembar ka dhacay magaalada Kismaayo. Golahaasi ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu 20-ka bishan Janaayo isugu yeero dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, si looga heshiiyo hanaanka doorasho ee xilligeeda ku dhacda, iyadoo la digay in haddii taasi dhici weydo ay Golaha Mustaqbalka qaadi doonaan tallaabooyin kale oo la xiriira qabashada doorasho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay soo dhoweyn ku aaddan wadahadal uu la galo mucaaradka, isaga oo kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, kana codsaday inuu ka gacan siiyo qabanqaabada shirka la filayo.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa wada qorshe u gaar ah oo ku saabsan qaabka iyo ajendaha shirweynaha uu doonayo inuu ku dhawaaqo. Sida xogaha la helayo tilmaamayaan, qodobada ugu muhiimsan ee gogosha Madaxweyne Xasan Sheekh xambaarsanaan doonto waxaa ka mid ah:

  • In la qabto shir wadatashi qaran oo gogoshiisu ka furan tahay caasimadda Muqdisho.

  • In wadahadalka uu u furan yahay mucaaradka, siyaasiyiinta taageersan dowladda, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

  • In qodobada laga arrinsanayo ay ku jiraan arrimaha masiiriga ah ee dalka, sida midnimada qaranka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, qeybta ugu weyn ee mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka, gaar ahaan Puntland iyo Jubbaland, ayaa diidan inay Muqdisho yimaadaan. Inkastoo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu muujiyay tanaasul ku aaddan arrintan, haddana Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo dowladda Federaalka aysan aqoonsaneyn, ayaa caqabad weyn ku noqonaya hirgelinta gogosha wadahadalka.

Sidoo kale, qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa diidan in gogosha lagu daro siyaasiyiin hore ula heshiiyay ama taageersan Madaxweyne Xasan Sheekh, arrin horay loo soo tijaabiyay balse muran dhalisay.

Golaha Mucaaradka ee Mustaqbalka ayaa isku raacsan in ajendaha wadahadalka lagu koobo khilaafka la xiriira doorashada iyo arrimaha dastuurka, iyagoo si cad u muujiyay inaysan ogolaan doonin wax muddo kororsi ah.

Ugu dambeyn, waxaa muuqata in ku dhawaaqista gogol wadatashi ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay noqon doonto jawaab hordhac ah oo ku wajahan dalabkii mucaaradka ee 20-ka Janaayo, balse la filayo in ay waqti qaadato in la isku waafajiyo ajendaha, goobta shirka lagu qabanayo iyo cidda si rasmi ah uga qeybgaleysa.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.